Kenya oo Soo Saartay Digniin Ku Aaddan Cudurka Ebola.

0
71

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya ayaa soo saartay digniin ku aadan cudurka Ebola kaa oo dhawaan qof ugu geeriyooday waddanka Uganda.

wasaaradda ayaa ismaamullada ka codsatay inay feejignaadaan oo ay xoojiyaan ilaalada xuduudaha gaar ahaan soohdinta waddanka uu la wadaago dalka Uganda.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa kula taliyay guddoomiyeyaasha ismaamullada in ay howlgaliyaan kooxaha ka hortaga xaaladaha degdegga ah, si ay u soo gudbiyaan haddii dalka laga diiwaangeliyo kiisas la xiriira xanuunka Ebola.

Mr. Kagwe ayaa xusay in maamullada laga doonayo in ay fuliyaan baaritaannada dadka cudurka halista ugu jira sida dadka safarka ah, darawallada kaxeeya gawaarida xamuulka ee u kala goosha waddamada dariska la ah dalka iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here