UEFA Oo Koobka UEFA Super Cup Ku Bedelaysa Koob Cusub & Wadan Aan Yurub Aheyn Oo Lagu Martiqaaday.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa doonaya inay sameeyeen koob cusub oo lagu bedelayo koobka UEFA Super Cup iyadoo koobka cusub lagu martiqaadayo koox ka ciyaarta horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer.

Sida ay qortay jariirada The Guardian, UEFA ayaa dooneysa inay bedesho koobkeeda UEFA Supercup oo ay wada ciyaaraan kooxda ku guuleysata Champions League iyo kooxda ku guuleysata Europa League.

Waxaa lagu bedelayaa koob cusub oo afar kooxood ay ku tartamayaan, iyadoo ujeedada ka danbeysa ay tahay in la kordhiyo dhaqaalaha UEFA ka soo gala tartamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here