Hay’adaha gar-gaarka Caalamka oo ka digay in malaayin qof oo ku nool dunida ay wajahayaan gaajo daran.

0
109

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan laba boqol oo hay’adaha samafalka ah ayaa ka digay in caalamka uu wajahayo gaajo aad u ba’an, iyadoo afartii ilbiriqsiba uu qof u dhinto gaajo.

Waxa ay ku baaqeen in go’aan wax tar leh laga gaaro cunno yarida saamaysay dunida oo idil.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta uu New York ka furmayo kulanka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaasoo xoogga lagu saari doono colaadda Ukraine iyo saameynta ka dhalatay.

Waxay sidoo kale sheegeen in 350 malyan oo qof ay haatan wajahayaan gaajo daran.

Hay’adaha waxay sheegeen in 50 malyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macluul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here