Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay haatan heleen ballanqaad buuxa oo ku saabsan lacagihii ay codsadeen in lagu samatabixiyo markabka shidaal ee ku xumaaday xeebaha dalka Yemen, kaas oo ay saaran yihiin shidaal ama saliid ka badan 1 million oo foosto.
Lacagta la ururinayey ayaa la doonayaa in loo isticmaalo in shidaalka lagaga wareejiyo markabka, si aanu waxyeello u gaadhsiin badda iyo deegaankaba.