Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Senegal Oo Kubada Cagta Laga Mamnuucay.

0
115

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Keita Balde ayaa qarka u saaran inuu seego Koobka Adduunka ee Qatar ka dhacaya dhamaadka sannadkan ka dib markii lagu helay danbi ah inuu isticmaalay dawooyinka ka mamnuuca ah isboortiga.

Xiddiga reer Senegal ayaa ku dhacay baaris lagu sameeyay kulan uu u ciyaarayay kooxda Caglairi oo guuldarro 5-1 ay ka soo gaartay Udinese bishii April. Balde ayaa xagaagii ka tagay kooxda Talyaaniga wuxuu u wareegay Spartak Moscow.

Ururka la dagaalama isticmaalka dawooyinka ka mamnuuca ah isboortiag ee Talyaaniga ayaa ku helay Keita Balde inuu isticmaalay dawooyin mamnuuc ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here