Daadadka ku dhuftay Dalka Pakistan oo ay cuduro ka dhasheen.

0
103

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saraakiisha caafimaadka Pakistan, ayaa ka digaya xaalad caafimaad darro oo ku soo fool leh dalkaasi, kadib markii ay waxyeelo gaarsiiyeen daadad dhowaan soo rogmaday.

Soddon iyo saddex milyan oo qof, ayay saamaysay fatahaadda, oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​1,500 oo qof, tan iyo bartamihii bishii June.

Iyadoo ay weli socdaan dadaallada samata bixinta iyo daadgureynta qeybo ka mid ah dalka, ayaa khubarada caafimaadka waxa ay soo sheegayaan inay sare u kacday cudurrada laga qaado sida duumada, iyo cudurrada caloosha oo aad u xun.

Dad badan oo barakacayaal ah, ayaa ku nool agagaarka meelaha ay biyuhu fariistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here