Daacuun ka dillaacay gobolo ka tirsan Wadanka Siiriya.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac ku saabsan Daacuun ka dillaacay dalka Siiriya muddo sanado ah, iyagoo sheegay In uu yahay mid qatar ku ah sida loo dhigay gobolka oo dhan.

In ka badan 900 oo kiisas laga shakiyay ah iyo siddeed dhimasho ah ayaa laga soo weriyay dalkaas uu dagaalku halakeeyay, saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Daacuunka dillaacay wuxuu ku badan yahay gobollada Aleppo iyo Daar al Zour.

Waxaa la rumeysan yahay in sababta keentay cudurka ay tahay dadka oo cabaya biyo wasaqeysan oo ka imaanaya webiga Yufrates oo dhexmara gobolaldaas sidoo kalena loo isticmaalo dhinaca tacabka beeraha.

Sidoo kale, dillaaca cudurkan waxaa loo arkaa mid muujinaya biyo-la’aan aad u baahsan oo ka jirta dhammaan dhulka Siiriya oo ay keeneen isbeddelka cimilada iyo dagaalka.

Heerkulka sii kordhaya, roobkii oo yaraaday iyo qulqulkii biyaha ka imaanayay Turkiga oo yaraaday ayaa keenay in heer biyaha webiga Yufrates uu hoos u dhaco.

Wasaaradda Caafimaadka Siiriya ayaa sheegtay Isniintii in in ka badan 20 kiis oo daacuun ah oo ay ku jiraan labo dhimasho ah la xaqiijiyay sida ay sheegeen sheybaarrada gobolka waqooyi ee Aleppo.

Sidoo kale waxaa jira afar kiis oo kale oo laga xaaqiijiyay gobolka xeebta ee Latakiya iyo sidoo kale labo kiis oo laga helay Dimishiq oo ahaa bukaanno laga keenay Aleppo.

Si kasta oo ay tahayba Qaramada Midooobay ayaa ka digtay in xoh isha lagu hayo ay muujineyso in guud ahaan ay jiraan 936 kiis oo aad u adag, kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan siddeed dhimasho ah oo laga diiwaangaliyay dalka Siiriya tan iyo bishii Agoosto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here