HORDHAC: Liverpool v Ajax – Reds Oo Bahdil Kale Ka Cararaya.

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa qaabilaysa dhigeeda Ajax kulan Champions League wareegiisa labaad ee heerka Group-yada ah caawa, kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa doonaysa kasoo kabashada fadeexadii ay ku bilaabatay tartanka.

Reds ayaa toddobaadkii hore magaalada Naples guuldarro 4-1 ah oo kasoo gaadhay Napoli kala soo noqday halka ay Ajax 4-0 kaga soo adkaatay Rangers oo marti u ahayd.

Liverpool ayaa tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkan lasoo tacaalaysay dhaawacyo badan, waxa markale ka maqnaan doona Ibrahima Konate, Jordan Henderson iyo Andrew Robertson oo isagu ku dhaawacmay kulankii Napoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here