Barcelona Oo Garaacday Cadiz & Lewandowski Oo La Joojin Laayahay.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa garaacday kooxda Cadiz kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 5-aad ee xilli ciyaareedka.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Xavi is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa isaga oo xiddigaha muhiimka ah kaydka dhigay si ay ugu nastaan kulanka Bayern ee champions League.

Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin kooxda Cadiz ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda iyaga oo iska caabiyay kooxda Barcelona.

Kooxda Xavi ayaa ku dhibaatotay in ay dhaafto difaaca adag ee Cadiz kuwaas oo dhinaca weerarka adeegsanayay weeraro rogaal celis ah.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin inkasta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican.

Tababare Xavi ayaa qaybtii dambe badal sameeyay isaga oo soo galiyay xiddigaha muhiimka ah ee kooxdiisa kaydka ugu jira si ay ciyaarta wax uga badalaan.

Kadib badalka Xavi Barcelona ayaa markiiba dareentay is badalka iyaga oo xoojiyay weerarka ay ku qaadayeen kooxda Cadiz.

Daqiiqadii 56-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Frenkie De Jong kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here