Boqor Charles oo noqday Hogaanka Boqortooyada cusub ee Ingiriiska.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wuxuuna Boqorku carrabka ku dhuftay, “Waajibkii ugu murugada badnaa uu qaado inuu ahaa inuu ku dhawaaqo geerida hooyadiis.”

Wuxuuna yiri: “Waan ogahay sida qotada dheer ee ay umadda oo dhan, waxaanna filayaa inaan oran karo adduunka oo dhan, naxariista ay ka muujiyeen khasaaraha aan laga soo kaban karin oo dhammaanteen na soo gaaray.”

Munaasabadda waxaa ka qayb galay 200 oo xubnood oo ka tirsan Golaha Gaarka ah oo uu ka mid yahay Ra’isal wasaarayaal hore Boris Johnson, Theresa May, David Cameron, Gordon Brown, Tony Blair iyo John Major.

Goobta Munaasabadda lagu iclaaminayey Boqorka ay ka dhaceysay in Kaameerooyinka lala soo galo si shacabka ay ula socdaan sida ay wax u dhacayaan waxaa go’aankeeda lahaa Boqorr Charles III.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here