Dowladda Kenya oo qabatay dad la tahriibinaayay.

0
102

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sideed iyo toban kamid ah dadka dhibaato looggu geystay tahriibinta, ayaa la soo badbaadiyay, iyagoo ku sii socda meel ku taal Gacanka halkaas, oo la doonayay in lagu iibiyo sidii adoon ahaan, sida uu sheegay aggaasinka Danbi-baarista ee Kenya.

Weerar ay fiidnimadii Talaadada fuliyeen baarayaal ka tirsan waaxda dambiyada abaabulan, ayaa dhibanayaasha laga helay guri ku yaalla Athi River, oo ku yaalla duleedka caasimada Kenya ee magaalada Nairobi.

Ciidamada dambi baarista ayaa gacanta ku dhigay illaa saddex eedeysane.

Waxay ku xiran yihiin saldhig booliis oo ku yaalla magaalada Nairobi, iyagoo sugaya in maxkamad la soo taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here