Barcelona Oo Xasuuqday Viktoria Plzen.

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Viktoria Plzen kulan ka tirsanaa kulankooda ugu horeeya ee wareerga Group-yada tartanka champions League kulan ka dhacay Camp Nou.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Barcelona u awood sheegatay kooxda Viktoria Plzen xilli ay wax walba ka sameeyeen kulan dhinaca kaliya ahaa.

Daqiiqadii 13-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Frank Kessie kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Barcelona ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay goolal kale ku dhaliso xilli ay kooxda Viktoria Plzen raadinaysay goolal rogaal celis ah.

Daqiiqadii 34-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogamainayso ciyaarta.

Kooxda Viktoria Plzen Ayaa daqiiqadii 44-aad soo ceshatay Gool waxana u dhaliyay xiddiga Jan Sykora kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Barcelona wali ku hogaaminayso.

Laakiin xiddiga Robert Lewandowski ayaa Barcelona u dheereeyay hogaanka ciyaarta kadib markii uu gool dhaliyay daqiiqadii 45-aad ciyaartana ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamataay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican isla markaas hogaaminayso ciyaarta dhinac walba.

Qaybta dambe ayay Barcelona ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan isla markaas hubiyaan natiijada ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here