HORDHAC: Napoli v Liverpool –:

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool oo doonaysa inay xilli ciyaareedkeeda Champions League guul ku bilaabato ayaa booqanaysa dhigeeda Napoli caawa kulan ka dhici doona gegida Diego Armando Maradona Stadium.

Liverpool ayuu ilaa haatan xilli ciyaareedkeedu yahay mid niyad jab leh, kulankan ayay imanayaan kaddib barbardhac goolal la’aan ah oo ay Everton lasoo galeen iyaga oo lix kulan oo Premier League ah kaliya sagaal dhibcood kasoo helay.

Dhinaceeda Napoli ayaa guuldarro la’aan ah shantii kulan ee ugu dambeeyay waxaana ay kulankan imanayaan kaddib guul 2-1 ah oo ay Lazio kasoo gaadheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here