Madaxweynihii Hore Ee Sri Lanka Oo Dalkiisa Dib Ugu Laabtay Kadib Markii Shacabkiisu Eryeen

0
108

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Madaxweynihii hore ee Sri Lanka, Gotabaya Rajapaksa, oo dibadda u cararay kadib mudaaharaadyo waaweyn oo dhacay bishii Luulyo, ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Rajapaksa, ayaa wuxuu ku sugnaa dalka Thailand, si ku meel gaar ah, wuxuu dib ugu soo noqday dalkiisa, isagoo soo marey dalka Singapore.

Qaar kamid ah Wasiirada dowladda Sri Lanka, ayaa lagu soo waramayaa inay kula kulmeen garoonka diyaaradaha.

Dadka reer Sri Lanka, ayaa waxay dawladiisa ku eedeeyaan inay masuul ka aheyd dhaqaale xumadii ugu darnayd ee soo marta taariikhda dalkaasi.

Lacagtii qalaad oo dhamaatay, ayaa keentay cunto yari iyo shidaal yari.

Mudaaharaadyada ayaa billowday bishii Abriil, kadib koror xooggan oo ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka.

Boqolaal kun oo qof oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa ka qeyb qaatay mudaaharaadyada sida nabdoon ee lagu dalbanayay in Rajapaksa iyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here