DEG-DEG: Arsenal Oo Laga Diiday Dalabkii 2-aad Ee Ay Ka Gudbisay Douglas Luiz.

0
161

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Kooxda Aston Villa ayaa Arsenal ka diiday dalabkii 2-aad ee ay Gunners ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Douglas Luiz kaas oo ay Arsenal doonayso saxiixiisa.

Arsenal ayaa saacadihii ugu dambeeyay xiiso u muujisay saxiixa xiddiga Douglas Luiz kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso daafaca dhexe.

Gunners ayaa saacado ka hor ka gudbisay saxiixa Douglas Luiz dalab lacageed oo dhan 20 milyan oo euro laakiin Aston Villa ayaa isla markiiba diiday dalabka Arsenal.

Kooxda Mikel Arteta ayaa dalab cusub oo 23 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Douglas Luiz iyada oo uu Arteta si aad ah u doonayo in uu helo xiddiga reer Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here