Man United Oo Ku Dhaw Saxiixeedii 6-aad Ee Suuqa Xagaaga.

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man United ayaa ku dhaw saxiixa Goolhayaha Kooxda Newcastle United ee Martin Dúbravka kaas oo noqon doona saxiixii 6-aad ee ay samayso kooxda Man United.

Man United ayaa Martin Dúbravka u doonaysa in ay la tartansiiso Goolhaye David De Gea xilli ciyaareedkan kadib markii uu Goolhaye Dean Henderson ka tagay kooxda.

Kooxda Man United ayaa Martin Dúbravka haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay waxana ay haatan isku diyaarinaysaa in ay dhamaystirto saxiixa Goolhayaha.

Man United ayaa Martin Dúbravka kula wareegaysa heshiis hal sano oo amaah ah oo ay Man United bixinayso lacag dhan 5 milyan oo euro.

Sidoo kale Man United ayaa dookh u haysata in ay qaab toos ah ula wareegto Goolhayaha dhamaadka xilli ciyaareedka suuqa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here