William Ruto oo Maxkamadda Sare ee Kenya ku boorriyay inay diiddo codsiga Raila Odinga.

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa Jimcihii ku boorriyay Maxkamada Sare ee dalka inay diido codsiga uu u gudbiyay ninka kula tartamay madaxtinimada Kenya ee Raila Odinga, kaas oo kasoo horjeesto natiijadii doorashadii 9-kii Ogosto.

Odinga, oo ah hogaamiye mucaarid ah oo ruug-caddaa ah, isla markaana taageero ka helaya madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xisbiga talada haya, ayaa Isniintii u gudbiyay dacwad Maxkamadda Sare, isaga oo kasoo horjeeda natiijada codbixintii guusha uu gaaray Ruto.

Siyaasigan oo 77 jir ah, ayaa ku guuldarraystay tartankiisii shanaad ee doorashada madaxtinimo tiro yar 230,000 oo cod – oo ah wax ka yar boqolkiiba laba — wuxuuna sheegay in uu hayo caddaymo ku filan oo muujinaya in uu ku guulaystay doorashada.

Tan iyo sannadkii 2002-dii, doorashadii madaxtinimo ee Kenya waxay aheyd mid natiijadeeda lagu murmo, iyadoo Odinga uu horay u sheegay in lagu khiyaamay doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here