Raysal wasaarihii hore ee Maleysiya oo lagu xukumay labo iyo toban sano oo xarig ah.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysiya, Najib Razak, ayaa wajahaya labo iyo toban sano oo xabsi ah, ka dib markii uu ku guuldareystay racfaankii ugu dambeeyay ee uu ka qaatay dambiyada la xiriira musuqmaasuq ee laguso eedeeyay.

Waxa si toos ah looga soo galbiyay qolka maxkamada oo xabsiga loogu taxaabay waxana lagu helay xatooyo ka dhacday sanduuqa maalgashiga dawlada.

Balaayiin doolar oo la rabay in lagu kaabo kobaca dhaqaalaha Malaysia ayaa la xaday, taasoo ka mid ah fadeexadaha maaliyadeed ee ugu waa weyn adduunka.

Mr Najib waxa la xukumay laba sano ka hor laakiin xiligaasi lama xirin maadama uu racfaan qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here