Shaxda Ay Isaga Hor Iman Karaan Kooxaha Man United & Liverpool Kulankooda Caawa.

0
161

Jowhar (Radio Isnaay) – Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka dhici doona Old Trafford kana tirsan premier League todobaadkii 3-aad ee xilli ciyaareedka cusub.

Labada kooxood ayaa si xun ku bilowday xilli ciyaareedka iyaga oo wali raadinaya guushoodii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka cusub horyaalka premer League.

Liverpool oo labadii kulan ee ay ciyaartay Bar-baro gashay ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo la dhibaatoonaya dhaawacyo isla markaas aan haysan koox taam ah iyada oo uu Klopp adeegsan karo xiddigaha da’yarka ah ee kooxda.

Dhinaca kale Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo aan wax dhibic ah haysan ilaa haatan kadib laba kulan oo ay ciyaartay premier League xilli ciyaareedkan.

Erik Ten Hag ayaa nasiib wanaag haysta koox dhamaystiraan oo uu ka soo xulan karo shaxda uu kaga hor tagi karo Liverpool waxana uu isha ku hayaa in uu xaalka ku sii xumeeyo kooxda Liverpool waliba guushii ugu horaysay ee premier league ku hogaamiyo kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Man United: De Gea; Dalot, Maguire, Varane, Malacia; McTominay, Fred, Fernandes; Sancho, Ronaldo, Rashford.

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Henderson; Salah, Firmino, Diaz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here