Sidee Ayuu Ku Bilowday Tartanka Gool Dhalinta La Liga Kadib Todobaadkii 3-aad Ee La Ciyaaray.

0
145

Kadib dhamaadkii todobaadkii 2-aad ee La Liga waxa durba meel xiiso leh maraya tartanka gool dhalinta iyada oo ay xiddigo badan goolal dhaliyeen kulamadii ilaa haatan la ciyaaray.

Xiddiga kooxda Real Betis ee Borja Iglesias ayaa ah xiddiga hogaaminaya gool dhalinta isaga oo dhaliyay 3 gool kadib 2 kulan oo uu ciyaaray horyaalka.

Waxa ku xiga xiddigaha Álex Baena,Chimy Avila, Alvaro Morata, Iago Asbas Juanmi iyo Roberto Lewandowski kuwaas oo dhamaantood min 2 gool dhaliyay.

Tartanka Gool dhalinta La Liga ayaa sanadihii ugu dambeeyay xiiso gaar ah leh maadama uu tartanku haatan u furanyahay xiddigaha oo dhan kadib markii uu Messi ka tagay Barcelona.

Xiddigo cusub ayaa la filayaa in ay u tartamaan ama ku guulaystaan hlryaalka La Liga xilli ciyaareedkan maadama uuna jirin xiddig sanad walba ku guulaysan doona.

Borja Iglesias (Real Betis) 3 Gool
Alex Baena (Villarreal) 2
Chimy Avila (Osasuna) 2
Alvaro Morata (Atletico Madrid) 2
Iago Aspas (Celta Vigo) 2
Juanmi (Real Betis) 2
Robert Lewandowski (Barcelona) 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here