Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 2-aad.
Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo raadinaya guushoodii ugu horaysay ee horyaalka La Liga kadib markii ay bar-baro ku bilowdeen tartanka.
Xavi ayaa haysta koox dhamaystiran marka laga reebo Jules Kounde oo seegi doona kulanka laakiin waxa uu soo xulan kara shax dhamaystiran oo adag.