Jurgen Klopp: Waa In Liverpool La Siiyo 3-da Dhibcood Ee Kulanka Man United Hadii Halkan Arin Dhacdo.

0
136

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa dalbaday in kooxdiisa la siiyo 3-da dhibcood ee kulanka Man United hadii ay dhacdo in la baajiyo kulanka ay la ciyaari doonaan Red Devils Isniinta sabab la xidhiidha mudaharaado la filayo in ay dhacaan.

Taaeerayaasha kooxda Man United ayaa la filayaa in ay mudaharaad sameeyaan kaas oo ay kaga soo hor jeedaan milkiilayaasha kooxda kuwaas oo dhaleecayn xoogan la kulmay sabab la xidhiidha suuqa kala iibsiga kooxda xagaagan.

Ku dhawaad 10 kun oo taageerayaasha Man United ah ayaa la filayaa in ay mudaharaad sameeyaan ka hor kulanka Isniinta taas oo sabab u noqon karta in la baajiyo kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here