Manchester United oo heshiis la gaartay khadka dhexe ee Real Madrid Casemiro.

0
191

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa heshiis la gaartay kooxda heysata horyaalka La Liga ee Real Madrid, si ay ula soo wareegaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Casemiro, sida ay xaqiijisaday kooxda United ee horyaalka Premier League.

Reuters ayaa sheegtay in 30-sano jirkaan uu u saxiixi doono heshiis afar ilaa shan sano ah oo uu ku joogo United, isagoo mushaar ahaan u qaadanaya 16 milyan oo Yuuro ($16.1 milyan) sanadkii.

United ayaa sheegtay in lasoo wareegista ciyaaryahankan ay ku xiran tahay heshiis shuruudo gaar ah oo shakhsiyadeed, iyo sidoo kale shuruudaha fiisaha Ingiriiska iyo caafimaadka.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in United ay dhameystirtay heshiis ku kacaya 70 milyan oo Yuuro oo ay kula soo wareegeyso Casemiro, kaasoo 63 kulan u saftay dalka Brazil.

Mar sii horeysay, tababaraha Real Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Casemiro uu doonayay inuu ka tago Real. “Waan fahamsanahay dareenkiisa, uma maleynayo inay jirto waddo lagu soo laabto,” ayuu yiri Ancelotti oo ka hadlayay shir jaraa’id Jimcihii.

Ku biirista Casemiro ayaa kor u qaadi doonta doorashada United ee khadka dhexe, iyadoo tababare Ten Hag uu haatan heysto kaliya Fred iyo Scott McTominay oo ah ciyaartoyda joogtada ah ee khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here