Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo sheegay in watiga lagu luminayo natiijada doorashadii dhacday.

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay inaan la joogin xilli waqti lagu lumin karo doorashadii dhacday, isla markaana ay sugayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo murashaxii laga adkaaday ee Raila Odinga uu diyaariyay tartan xagga sharciga ah oo uu ku doonayo inuu kaga hortago guul-darradii ka soo gaartay doorashadii dhacday 9-kii Agoosto.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Ruto yahay madaxweynaha dalkaas, kadib tartan adag oo uu ku doonayay inuu ku hoggaamiyo waddanka ugu qanisan bariga Afrika, balse afar ka mid ah toddobada guddiga doorashada ayaa kasoo horjeestay natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here