Ruushka oo lacag ku bixinaya in carruur la dhalo.

0
117

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Ruushka ayaa isbuucan soo saaray amar uu dib ugu cusboonaysiinayo abaal-marinta “Hooyooyinka halyeeyada ah”, taasoo ay sanadkii 1944-kii abuurtay dowladdii Midowga Soviet.

Abaalmarintan ayaa loogu talagalay si qoysaska loogu dhiirrigeliyo in ay carruur badan yeeshaan.

Putin ayaa Isniintii sheegay in billadda oo u dhiganta lacag iyo waxyaabo kale oo qiime leh la siin doono hooyo kasta oo dhasha 10 carruur ah.

Waxay tallaabadan qayb ka tahay dadaal wax looga qabanayo hoos u dhac wayn oo ku yimid kororka tirada shacabka Ruushka.

Warbaahinta caalamka oo ay ka mid yihiin Wargaysyada Washington Post iyo Express ayaa shaaciyay warka ku saabsan wareegtada kasoo baxday madaxweynaha Ruushka oo hadal-hayn caalami ah dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here