Elon Musk oo sheegay inuu iibsanaayo kooxda Manchester United.

0
120

Jowhar – ( Radio Isnaay ) Elon Musk, oo ah qofka ugu taajirsan adduunka, ayaa Talaadadii bartiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu iibsanayo kooxda kubadda cagta Manchester United, isagoo aan bixin tafaasiil ah oo la xiriirta beeca kooxdan.

“Waxaan iibsanayaa Manchester United, soo dhawoow,” Ayuu Musk ku yiri Twitter-ka. Manchester United waxaa maamula qoyska Glazer ee Maraykanka, iyada oo qoyskan iyo Musk midkoodna isla markiiba ka jawaabin codsi ay hadalkan kaga bixinayaan faah-faahin dheeraad ah.

Musk waxa uu leeyahay taariikh maaweelo ah uu soo dhigo Twitter-kiisa, mana cadda haddii uu qorsheyno inuu sii wado heshiis uu ku xaqiijinayo inuu ku iibsado kooxda Manchester United.

Wargeyska The Daily Mirror ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sannadkii hore qoray in qoyska Glazer ay diyaar u yihiin inay iibiyaan naadiga, haddii loo soo bandhigo in ka badan 4 bilyan oo gini oo u dhiganta $4.84 bilyan dollar.

Musk ayaa hadda isku dayaya in uu ka baxo heshiis 44 bilyan oo doollar ah oo uu ku iibsanayo shirkadda baraha bulshada ee Twitter, taas oo hadda maxkamad la tiigsatay.

Manchester United waa mid ka mid ah naadiyada kubbadda cagta ee ugu taageerada badan adduunka, waxayna ay 20 jeer ku guulaysteen horyaalka England, iyada oo saddex jeer ku guulaysteen koobka kooxaha qaramada yurub oo ah tartanka ugu qiimaha badan ee naadiyada adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here