Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Crystal Palace Kulanka Caawa.

0
314

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Anfield.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay guushoodii ugu horaysay ka gaadhaan premier League xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa ku dhibaatoonaya dhaawacyo isaga oo xiddigo badan oo muhiim ah dhaawac ku waayay inkasta oo uu xilli ciyaareedku bilowday todobaadki hore.

Reds ayaa dhaawacyada ku xalinaysa xiddigaha ay haysato sida uu sheegay Klopp maadama uuna suuqa u gali doonin saxiixyo cusub.

Xiddiga da’yarka ah ee Carvalho ayaa la filayaa in uu ku bilowdo kulankiisii ugu horeeyay ee Rasmi ah kooxda Liverpool.

Halkan Hoose Kaga Bogo sida ay noqon karto shaxda Liverpool kulanka caawa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here