Chelsea Vs Tottenham : Kooxda Conte Waa Laga Guulo Badan Yahay.

0
154

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Kulan adag ayay Chelsea ku marti gilineysaa Tttenham kuwaasi oo dhankooda iyana si weyn isu xoojyay xagaagaan

Xogta Kulanka

*Tottenham ayaa badisay kaliya 7 jeer ka dib 60 kulan oo horyaalka ay uga hor tagtay Chelsea , 20 bar bar dhac iyo 33 guul darro ayay wadataa .

*Xilli ciyaareedkii hore, Chelsea ayaa heshay dhibco ka badan 40 dhibcood oo banaanka garoonkooda marka loo eego kulamadooda  Stamford Bridge oo ay ku heleen 34 dhibic

*Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii labaad xariir ah wajaheysa tababare horay u soo layliyay, waxaana sidaas horay u sameeyay Frank Lampard .

*Tottenham ayaa guuleysatay 99 kulan oo horyaalka ah gaar ahaan kulamada London Darbey, waxa ayna noqon karaa kooxda sedexdaas ee 100 jeer sidaas sameysa marka laga yimaado Arsenal iyo Chelsea

*Harry Kane ayaa u baahan laba gool si uu u jabiyo rekoorka Sergio Agüero ee goolasha ugu badan ee Premier league ee hal koox loo dhaliyo kaasi oo 184 gool u dhaliyay Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here