Joe Cole Oo Magacaabay 4 Kooxood Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

0
174

Jowhar (Radio Isnaay) Xiddigii hore ee kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa saadaaliyay kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Joe Cole ayaan Real Madrid u arkin kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga koobka tartanka xilli ciyaareedkan.

“Waxan u malaynayaa in ay kooxha PSG, Man City, Liverpool iyo Bayern Munich ugu cad-cad yihiin ku guulaysiga champions league”aayuu Cole u sheegay BT Sport.

“Real waa kooxda ugu koobabk badan champions League sidaas darteed waxa ay leeyihiin amaan weyn, waa koox cajiib ah oo uu hogaamiyo tababare fiican laakiin uma arko kooxo ugu cad-cad”.

“Xilli ciyaareedkii hore kulamadii Man City, chelsea iyo Liverpool waxa badbaadiyay Goolhaye Thibout Courtios, miyuu mar kale sidaas samayn karaa”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Real Madrid garaacday 3 ka mid ah 4-ta kooxood ee uu Joe Cole u saadaaliyay ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Ancelotti iyo kooxdiisa ayaa doonaya in ay difaacdaan tartanka isla markaas ku guulaystaan koobka markii 15-aad ee taariikhdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here