Xog Ka Cusub Mustaqbalka Harvey Elliott Ee Liverpool

0
158

Jowhar (Radio Isnaay) Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay da`yarka Harvey Elliott ku abaal mariso heshiis cusub oo wakhti dheer ah.

19-sano jirkaan khadka dhexe ayaa heshiis cusub u saxiixay 12 bilood ka hor kooxda ku ciyaarta Anfield.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail ayaa soo xiganeysaa in marka la eego horumarkiisa tan iyo markaas inuu kooxda ku qasbay inay ku abaalmariyaan mushaar kordhin kale.

Heshiiskiisa hadda wuxuu dhacayaa xagaaga 2026, iyadoo heshiis cusub ay u badan tahay inuu sannad kale ku daro heshiiskaas.

Elliott waa khadka dhexe ee weera ah kaas oo sidoo kale ka ciyaari kara baalasha marka loo baahdo.

Waxaa laga yaabaa inuu isku arko in ka badan intii la filayay shaxda kooxda , marka loo eego dhaawacii dhawaa ee Thiago Alcantara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here