Goorta Man City Dhameystireyso Saxiixa Sergio Gomez Oo La Ogaaday

0
142

Jowhar (Radio Isnaay) Garabka bidix kooxda Anderlecht ee Sergio Gomez ayaa lagu waramayaa in qamiista uu dhameystirayo u wareegista kooxda Man City

City ayaa la rumeysan yahay in Gomez ku helayaan aduun dhan 15 milyan oo euro iyadoo uu buuuxinayo booska Zinchenko kaasi oo Arsenal u wareegay xagaagaan .

Laacibkaas 21 sano jirka ah ayaa soo maray da`yarta Barcelona iyo Dorttmund ka hor inta uusan Anderlecht ku biirin xagaagii hore waxa uuna la soo bandhigay heer ciyaareed wacan.

Gomez ayaa dhaliyay 7 gool halka 15 caawinna uu sameeyay ka dib 49 kulan ee uu saftay Anderlecht dhamaan tartamadii xilli ciyaareedkii hore

Laacibkaas reer Spain ayaa hishiiskiisa Anderlecht waxaa ka harsanaa sedex sano balse waxa ay u muuqtaa in 12 bil ka dib uu haatan ka huleelayo .

Daily Mail ayaa sheegeysa in City ay laacibkaas marsiineyso tijaabada caafimaadka maalinta qamiista ayna dhameystireyso saxiixiiixa

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Gomes uu u saxiixayo City hishiis gaaraya illaa iyo xagaaga 2025-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here