Bologna Oo Man United U Dirtay Fariin Ku Aadan Marko Arnautovic, Maxaa Cusub?

0
174

Jowhar ( Radio Isnaay) – Agaasimaha Bologna Marco di Vaio ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu aysan qorsheyneynin inay iska iibiso weeraryahankeeda Marko Arnautovic xagaagan xilli uu xiiso ka helayo Man United.

Bilowgii todobaadkan ayay Man United si lama filaan ah ugu dhaqaaqday xiddiga iyada oo xitaa laga diiday dalab Rasmi ah oo ay ka gudbisay saxiixiisa.

Wakiilka Marko Arnautovic ayaa xitaa sheegay in ay Man United doonayso saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan weerarka xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee Agaasimaha kooxda Bologna ayaa sheegay in ayna wax xiiso ah u qabin in ay iibiyaan xiddigooda Marko Arnautovic.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa ay noo tahay sharaf in ay Man United doonayso saxiixa Marko Arnautovic Laakiin ma qorshaynayno in aanu iibino”.

“Waxa aan doonaynaa in aan ku sii hayno Bologna, waxa uu fure u yahay qorshaha kooxda mana jiro qiimo aan kaga samri karno”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here