Mareykanka oo Malaayiin Doollar Ku Taageeraya Qarxootiga iyo Barakacayaasha Qaaradda Afrika

0
159

JOWHAR  (Radio isnaay)- Danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in ay 127 milyan oo dollar oo gargaar bini’aadannimo ah siinayso Afrika ah.
Iyada oo booqasho ku joogta Ghana ayay danjira Linda sheegtay in lacagahan diiradda lagu taageerayo qaxootiga iyo barakacayaasha.

Sababta ku riixeysa in Mareykanku Afrika ku taageero lacagahan ayay ku sheegtay in ay tahay qiimaha cunnada ee dunida oo 23% ka sare maray qiimihii uu joogay sannad ka hor.

Waxay tilmaantantay in sare u kacaasi uu si daran u saameeyay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxayna intaa ku dartay in qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here