SAADAASHA Paul Merson Ee Toddobaadka Furitaanka Premier League & Kooxda Weyn Ee Uu Naxdinta Ku Bilaabay

0
149

JOWHAR(Radio isnaay) Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson oo muddooyinkii ugu dambeeyay falanqeeye kubadda cagta England ahaa ayaa sidii looga bartay bilaabay saadaalinta kulamada horyaalka Premier League oo dufcadiisii 30-aad caawa la daah-furayo.

Aan ku bilawnee Paul ayaa kooxdiisii hore ee Arsenal oo sanadkan si weyn usoo diyaar garawday wax badana laga filayo u rajeeyay inay ku furato guul ay ka gaadho halyeeygeedii Patrick Vieira iyo kooxdiisa Crystal Palace oo ay booqanayaan.

Sidoo kale kooxda xilli ciyaareedkii hore horyaalka halka dhibic ku weyday ee Liverpool ayuu Merson u rajeeyay inay guul kasoo gaadhi doonto Fulham oo ay martiyayso.

Merson ayaa isagana guul u rajeeyay Antonio Conte iyo kooxdiisa Tottenham oo la filayo xilli ciyaareedkan inaysan ugu yaraan afarta kaalmood ee sarre dhibaato ku noqon xilli ay ku daah furanayaan Southampton oo ay soo dhawaynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here