Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsig Ay Ugu Jirto Antony

0
156

JOWHAR (Radio isnaay) Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay soo afjarto baacsiga ay ku doonayso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ajax ee Antony.

Red Devils ayaa xagaagan kooxdeeda kusoo dartay Tyrell Malacia, Christian Eriksen iyo Lisandro Martinez, laakiin wali waxa ay doonayaan in ay xoojiyaan kooxda.

Antony ayaa ka mid ah magacyada lala xiriirinayo inay u dhaqaaqi doonaan Old Trafford suuqa kala iibsiga ee haatan, inkastoo Ajax ay dhawaan kordhisay qiimihii ay ku iibinayso xiddiga kana dhigtay 100 milyan oo euro si ay United ugu diido saxiixa xiddiga.

Sidaas darteed wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay Man United ku dhawdahay in ay gabi ahaan isaga hadho baacsiga ay ugu jirto xiddiga reer Brazil.

Wararka ayaa intaas ku daraya in koxda Man United ay u dhaqaaqi doonto xiddiga 22 jirka ah hadii ay Ajax si aad ah hooos ugu dhigto qiimaha ay ku iibinayso xiddiga.

Antony ayuu 3 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa Ajax waxana uu dhaliyay 22 gool 78 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Ajax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here