Man City Oo Heshiis Isku Badalasho Ah La Samaynaysa Juventus, Ayay Ka Doonaysaa?

0
147

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis isku badalasho ah la samaynayso kooxda Juventus kuwaas o ay isku badalan doonaan xiddigaha Ilkay Gundogan Iyo Arthur.

Arsenal ayaa xagaaga iyo suuqii January oo dhan lala xidhiidhinayay Arhur laakiin City ayaa u muuqata kuwo Gunners ku garaacaya saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay Calciomercato,kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa ka fiirsaneysa inay heshiis la gasho Juventus Kaas oo ay isku badalan doonaan Gundogan iyo Arthur.

Wakhtiga ciyaarista ee Gundogan ee Man City ayaa la filayaa in ay yaraato xilli ciyaareedkan kadib imaantinka Kalvin Philips xilli heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Arhur ayaa dhankiisa la filayaa in uu isaga tago Juventus maadama uuna ku jirin qorshaha tababare Allegri xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here