Chelsea Oo Diyaarinaysa Dalabkii Ugu Horeeyay Ee Ay Ku Doonayso Saxiixa Frenkie de Jong

0
175

jowhar (Radio isnaay) Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab ay ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong si ay saxiixiisa ugu garaacaan kooxda Man United.

De Jong ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay kooxda Man United xilli uu xiddigu diidanyahay in uu ku biiro kooxdan Man United.

Xiddiga reer Nethelands ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Barcelona laakiin waxa laga yaabaa in uu ka tago kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagu.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Man United diyaarinayso dalabkoodii ugu dambeeyay ee Frenkie de Jong kaga dhigayaan xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.

Si kasta ha ahaatee waxa sidoo kale jira warar sheegaya in chelsea ay diyaarinayso dalab Rasmi ah oo ay ka gudbiso saxiixa xiddiga.

Blues ayaa ku kalsoon in ay xiddiga ku garaaci doonto kooxda Man United maadama uu doonayo in uu ka ciyaaro tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here