Jules Koundé Oo Sharaxay Sababtii Uu Isaga Diiday Chelsea Una Doortay Barcelona

0
177

Xiddiga cusub ee kooxda Barcelona ee Jules Koundé shaaca ka qaaday sababtii uu isaga diiday kooxda chelsea una doortay ku biirista kooxda Barcelona.

Jules Koundé ayaa si Rasmi ah shalay u noqday xiddig Barcelona ah kadib markii ay labada kooxood ka heshiiyeen qiimaha xiddiga reer France.

Kooxda chelsea ayaa ku dhawayd saxiixa xiddiga Jules Koundé ka hor inta ayna Barcelona saxiixa daafaca ka afduuban Blues saacadihii ugu dambeeyay.

Jules Koundé oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hadalkii aan la yeeshay Xavi ayaa ahayd sababtii ugu weynayd ee aan ku doortay Barcelona, waxan u malaynayaa in aan isku qaab u aragno kubada cagta”.

“Run ahaantii waan ku faraxsanahay in aan noqdo xiddig Barcelona ah ma sugi karo in aan bilaabo xirfadayda Barcelona”ayuuu sii raaciyay.

“Barcelona waa talaabadii ugu saraysay ee xirfadayda ciyaareed sidaas darteed waxa aan doonayaa in aan guulo la gaadho kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here