XASAASI: Cristiano Ronaldo Oo Codsi U Diray Man United

0
161

Jowhar (Radio Isnaay)- Cristiano Ronaldo ayaa Talaadadii dib ugu soo laabtay Manchester United isaga iyo wakiilkiisa Jorge Mendes, waxaana uu kooxda ku wargeliyay inuu doonayo in laga tanaasulo qandaraaskiisa si uu qaab xor ah uga tago kooxda uguna biiro koox ka ciyaarta champions League.

Man United ayaa diidan in ay iibiso xiddiga waxana ay ku adkaysanaysaa in uuna xiddigu iib ahayn suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo aan ilaa haatan wax dalab ah oo ku aadan saxiixiisa helin.

Wadahadalada ayaa ku guuldareystay inay bedelaan 37-jirkaan maskaxdiisa ku aadan inuu doonayo inuu baxo isaga oo wali ku adkaysanaya in uu doonayo in uu ka tago kooxda.

Ronaldo ayaa ku soo laabtay Carrington iyo tababarka United kadib markii uu seegay dhamaan tababarkii iyo saraaadii Thailand & Australia.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo kadib tababarka u sheegay maamulka Man United in uu doonayo in la kansalo heshiiska halka sano ee uga dhiman hehshiiskiisa kooxda.

Ronaldo ayaa Man United ku soo laabtay sanadkii hore waxana uu kooxda u dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan xilli ay Man United si weyn u dhibaatootay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here