Man City Oo Dalab Cusub Ka Gudbinaysa Marc Cucurella.

0
162

Jowhar (Radio Isnaay) Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay dalab cusub ka gudbiso saxiixa daafaca kooxda Brighton & Hove Albion Marc Cucurella.

Todobaadkii hore ayay Brighton dalab 30 milyan ah ka diiday kooxda Man City iyada oo dalbanaysa lacag dhan 50 milyan oo euro.

Man City ayaa haatan diyaarinaysa dalab cusub oo ay ku dalabanayso xiddiga reer Spain si ay ugu xoojiyaan daafaca ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Guardiola ayaa Cucurella u arka badalka Oleksandr Zinchenko kaas oo todobaadkii hore ku biiray kooxda Arsenal kana tagay City.

Wargayska Sport, ayaa sheegaya in ay Man City maalmaha soo socda dalab cusub oo ka sareeya midkii hore miiska u saari doonto kooxda Brighton.

Xiddiga Cucurella ayaa la sheegayaa dhankiisa in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here