Klopp Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
136

Jowhar (Radio Isnaay) – Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa saadaaliyay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Bilowga xilli ciyaareedka cusub ee prmeier League ayaa bilaaban doona bilowga bisha dambe iyada oo kooxuhu isku diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.

Klopp ayaa sheegay in ay Man City tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ay muhiimada kooxdiisu tahay in ay u soo baxaan champions League xilli ciyaareedka cusub.

“Haatanba horyaalku wuu adagyahay, haatan lama saadaain karo kooxaha ku tartami kara laakiin waxa iska cad in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka”ayuu Klopp yidhi.

“Hadii aan ka hadlo Muhiimadeen waa in aan u soo baxno champions league xilli ciyaareedka dambe”ayuu Klopp sii raaciyay.

City ayaa maalintii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedkii hore Liverpool hal dhibic kaga qaaday horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here