Maamulka Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Frenkie de Jong

0
172

Jowhar (Radio Isnaay)  Manchester United ayaa diidan in ay ka quusato saxiixa Frenkie de Jong inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu xiddiga khadka dexe u sheegay Barcelona in uuna doonayn in uu ku biiro Man United.

Kadib todobaadyo wadahadalo ah kooxda Red Devils ayaa Barcelona kala heshiisay saxiixa xiddiga iyaga oo ka bixin doona lacga dhan 75 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee heshiiska ayaan u dhawayn in uu dhoco maadama uu De Jong diidanyahay in uu ku biiro kooxda Man United.

Khamiistii, wargayska Sport ayaa sheegaya in wakiilka xiddigu la xidhiidhay maamulka Man United una sheegay in ayna wakhtigooda isaga lumin maadama uuna De Jong doonayn in uu ku soo biiro kooxda.

Waxa intaas sii dheer in xiddigu u sheegay saaxiibadiisa Barcelona in ayna jirin suurtagalimada uu uga tagi karo Barcelona uguna biiri karo Man United.

Laakiin haatan wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Maamulka Man United iska indha-tirayaan wararkaas isla markaas ay wali ku adkaysanayaan helitaanka saxiixa xiddiga.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here