Bangiga Horumarinta Afrika oo Zimbabwe ka taageeraya sidii looga cafin lahaa $13.5 Billion

0
114

JOWHAR  (Radio isnaay)-Bangiga Horumarinta Afrika ee loosoo gaabiyo AfDB ayaa oggolaaday toddobaadkan inuu ka caawiyo dalka Zimbabwe in habka looga cafinayo deynta lagu leeyahay dalkaas oo gaadhaysa illaa 13.5 bilyan oo dollar, xilli uu dalkaas booqasho ku tegey madaxweynaha bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Baniga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale bilaabay inuu sii daayo lacag amaaha oo gaadhaysa illaa $1.5 billion oo dollar taas oo lagu caawinayo suuqyada dhaqaalaha ee Afrika, si looga caawiyo ka hortagga cunto yaraanta soo foodsaartay qaaradda ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Dalka Zimbabwe ayaa ka mida 38 dal oo lagu wado inay ka faa’iidaystaan lacagaha uu bixinayo Bangiga Horumarinta Afrika ee ku aaddan barnaamijka waxsoosaarka degdegga ah ee Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here