William Saliba Oo Iska Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Arsenal, Sabab

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –Daafaca dhexe ee kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal sabab la xidhiidha in uu ka shaki qabo in uu heli doono fursad uu isku muujiyo sida ay sheegayaan wararku.

Tan ilaa markii uu 27 milyan ugu soo biiray Gunners sanadkii 2019, Saliba ayaa ku fashilmay in uu kooxda 1-aad u ciyaaro kulan Rasmi ah.

Saliba ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Marseille isaga oo kooxda ka caawiyay ku soo laabashada champions League xilli ciyaareedka cusub.

Arteta ayaa doonaya in uu sii haysto xiddiga waliba ka saxiixdo heshiis cusub maadama uu ka mid yahay qorshihiisa kooxda Arsenal xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin Saliba ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay Arsenal u soo bandhigtay sida laga soo xigtay French Football News.

Saliba ayaa doonaya in uu marka hore qiimeeyo fursadihiisa ciyaarista xilli ciyaareedka cusub ka hor inta uuna go’aansan in uu heshiis cusub u saxiixo Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here