Cristiano Ronaldo Oo Ka Jawaabay Dalabkii Waalida Ahaa Ee Uga Yimid Kooxda Ka Dhisan Dalka Sucuudiga.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa iska diiday dalabkii waalida ahaa ee uu ka helay kooxda ka dhisan dalka Sucuudiga ee Al Hilal SFC.

Shalay ayaay soo bexeen warar sheegaya in uu Cristiano Ronaldo dalab waali ah ka helay koox aan la magacaabin oo ka dhisan dalka Sucuudiga kooxdaas oo haatan lagu magacaabay in ay tahay kooxda Al Hilal SFC.

Cristiano Ronaldo ayaa xitaa ilaa haatan aan ka qayb qaadan tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isaga oo ku sugan dalkiisa Portugal.

Kooxo badan ayaa lala xidhiidhinayaa Ronaldo kuwaas oo kala ah Bayern Munich, Chelsea, PSG, Sporting Lisbon iyo kooxo kale oo badan.

Laakiin kooxda Al Hilal SFC Ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee ay dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga iyaga oo miiska u saartay 2 milyan oo euro todobaadkii si uu ugu biiro kooxdooda.

Laakiin Cristiano ayaa iska diiday kooxda Al Hilal SFC isaga oo doonaya in uu sii joogo yurub kuna biiro koox ka ciyaarta tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here