Chelsea Oo Wadahadalo Kula Jirta PSG, Daafac Uu Tuchel Doonayo Ayay Soo Wadaan

0
157

Jowhar (Radio Isnaay)Kooxda chelsea ayaa wadahadalo kula jirta kooxda PSG ee Presnel Kimpembe kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan daafaca dhexe suuqa xagaagan.

Wargayska The The Athletic ayaa sheegaya in ay kooxda PSG ogolaatay in ay chelsea ka iibiso daafaca reer France hadii ay Blues miiska saarto qiimaha ay doonayso.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta daafac cusub waxana ay haatanba heshiis la gaadhay daafaca kooxda Napoli ee Koulibaly halka ay wadahadalo horumar leh kula jirto daafaca Man City ee Nathan Ake.

Tababaraha chelea ee Thomas Tuchel ayaa doonaya in ay kooxda chelsea u keento daafaca Presnel Kimpembe kaas uu kula soo shaqeeyay kooxda PSG markii uu joogay reer France.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay Chelsea u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro iyo waliba 10 milyan oo Guno ah hadii ay doonayso saxiixa.

Chelsea ayaan ilaa haatan wax dalab ah ka gudbin Presnel Kimpembe laakiin labada kooxood ayaa ku jira wadahadalo meel fiican maraya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here