Jurgen Klopp Oo Qiimeeyay Qaab Ciyaareedka Xiddiga Ugu Qaalisan Kooxdiisa Ee Kulankii Man United.

0
176

Jowhar (Radio Isnaay) Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu tayo badan ka arkay Darwin Nunez iyada oo saxiixa ugu qaalisan liverpool kulankiisii ugu horeeyay u saftay kooxda kulankii ay Liverpool guuldarada 4/0 ah kala kulantay Man United.

Goolal ay dhaliyeen Jadon Sancho, Fred, Anthony Martial & Facundo Pellistri ayaa Man United ka caawiyay in uu Erik Ten Hag gaadho guushiisii ugu horaysay ee Man United.

Liverpool ayaa 3/0 lagu lahaa markii uu Nunez ku soo galay badal waxana uu ciyaaray 30 daqiiqo qaybtii dambe ee ciyaarta.

Mar wax laga waydiiyay Nunez ciyaarta ka dib, Klopp ayaa ku jawaabay:”Waa No.9 sidoo kale waxa uu ka ciyaari karaa garbaha, waan arki doonaa meesha uu ka ciyaari doono”.

“Laakiin waxa aad arki karto ayaa ah in ay xiddigaha kooxdu haatanba raadinayeen isaga”.

“Waxa uu kooxda la qaatay kaliya 3 tababar waxaana uu durba muujiyay in uu leeyahay tayo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here