Sacuudiga oo diyaariyay qorshaha Amniga Xajka ee sanadkan

0
126

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amniga Xajka sanadkan waxay u diyaarisay 22,000 oo qof sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Kumannaan askarta booliska ah ayaa iyaguna ka qayb qaadanaya sugidda amniga xujeyda. Waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada booliska qaybahooda kala duwan.

Ciidamadaas oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaan iyo noocyo kala duwan oo gaaddiid ah.

Maamulka magaalada Maka waxay howlgeliyeen dhammaan shaqaalihii iyo dhaqaalihii ay ugu talagaleen in lagu ilaaliyo amaanka xujeyda.

Ciidamada dhulka ee boqortooyadu waxay iyaguna ka qayb qaadanayaan amniga goobaha ay Xujeydu acmaasha ku gudanayaan si ay uga hortagaan wax kasta oo waxyeello u geysan kara martida xaramka soo booqatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here