Dalalka Itoobiya iyo Suudaan oo ka wadahadlay qaboojinta xiisada ka dhex taagan.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo hoggaamiyaha Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ka wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan xuduudda lagu muransan yahay ee labada dal oo dhawaan dagaallo ku dhex mareen ciidamada labadaas dal.

Abiy Axmed ayaa sheegay in labadooda hoggaamiye ay yeesheen wadahadal lagu xallinayo khilaaf kasta oo labada dal u dhexeeya.

Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay caasimadda Kenya, ee Nairobi halkaas oo ay uga qayb galeen shir-madaxeedka IGAD

Midowga Afrika, UN-ka iyo IGAD ayaa dhamaantood ka dhawaajiyay walaaca ay ka qabaan xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here