Ronaldo, Sterling, Martinez, Ziyech & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaana haatanba bilaabay in ay xoojiyaan kooxdooda iyaga oo ku jira suuqa si ay u helaan xiddigaha ay doonayaan

Kooxaha reer yurub ayaa ku jira dadaalada ay ku doonayaan in ay ku dhamaystiraan saxiixyada ay doonayaan ee ay aaminsanyihiin ay xoojin doonaan kooxdooda

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo bandhigi doonta wararka suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxdaada.

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo inta lagu jiro suuqa xagaaga (Athletic).

Ronaldo ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda chelsea laakiin Blues ayaan wali go’aansan in ay u dhaqaaqd xiddiga (ESPN).

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta iyo wakiil Jorge Mendes Ronaldo ayaa sidoo kale ka wadahadalaya saxiixa xiddiga Ronaldo (AS).

Ronaldo ayaa sidoo kale diyaar u ah in uu hoos u dhigo mushaharkiisa aadka u sareeya si uu uga tago kooxda Man United (Independent).

Kooxda chelsea ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Man City kuwaas oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga Raheem Sterling (Sky Sport).

Ac Milan ayaa ka shaqaynaysa in la saxiixato xiddiga garabka uga ciyaar kooxda chelsea ee Hakim Ziyech (Athletic).

Kooxda Man United ayaa la kulantay dhigeeda kooxda Ajax iyaga oo ka wadahadalay saxiixa daafaca dhexe ee Lisandro Martinez (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa dalab ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic laakiin Lazio ayaa isla markiiba diiday dalabkaas (teamtalk).

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong ku riixaysa in uu ku biiro Man United laakiin xiddiga ayaa ilaa haatan diidan (Marca).

Kooxda Man United ayaa xiddiga Paulo Dybala u doonaysa badalka Cristiano Ronaldo hadii uu ka tago kooxda (TyC Sports).

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay xiddiga Gabriel Magalhaes ka iibiso Juventus laakiin waxa ay doonaysaa lacag dhan 36 milyan oo euro (Gazzetta dello Sport).

Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham (Marca).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here